Ku bood tusmada horraanta

Cabashooyinka jireed ee ka dhashay COVID-ka dambeeya

Corona waa cudur faafa oo sidoo kale loo yaqaan COVID-19. Nasiib wanaag, dadka badidood ee uu ku dhaco korona way bogsoodaan. Laakin waxa kale oo jira koox dad ah oo weli cabashooyin qaba saddex bilood ka dib. Inta badan waa cabashooyin ay ka mid yihiin daal, madax-xanuun, murqo xanuun, neefta oo ku yaraata, hilmaanka, awood la'aanta in si habboon loo saaro, dhadhanka iyo urta oo kaa lunta iyo wixii la mid ah. Waxaan ugu yeernaa cabashooyinka corona ee muddada-dheer COVID-dheer ama COVID-ka dambe. Taageerada C-gaar ahaan waxaa loogu talagalay kooxdan dadka qaba cabashooyinka muddada dheer ka dib caabuqa.